Xuutiyiinta oo sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay.

Kooxda Ansar Allah ee loo yaqaan Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa xalay shaaca ka qaaday inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Mareykanku leeyahay ahna mid ka mid ah diyaaradaha qaaligaa ee casriga ah.

Diyaaradan oo nooceedu yahay MQ-9 ayaa Xuutiyiintu sheegeen inay soo rideen xilli waa sida hadalka u dhigeene ay ku jirtay “falal cadawtooyo ah” oo ka waday hawada gobolka Ma’rib ee bartamaha dalka Yemen.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Jeneral Yaxye Sariic oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Sanca ayaa yiri; “Difaaca cirka ee Yemen oo kaashanaya Ilaahay SWT waxay ku guulaysteen inay soo ridaan diyaarad nooceedu yahay MQ-9 oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ka fulinaysay falal cadawtinimo ah. hawada gobolka Marib.”

Jeneral Yaxye ayaa intaasi ku daray in “Diyaaraddan ay tahay tii 8-aad ee noocaan ah oo xooggaga Yemen ay ku guulaysteen inay soo ridaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah hawlgallada ay ku taageerayaan dadka Gaza.

Jeneral Yaxye Sariic waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamadoodu ay sii wadaan gudashada waajibaadkooda “si ay u joojiyaan dulmiga lagu hayo shacabka Falastiin iyo difaaca Yemen”.

Bishii November, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa waday weeraro ka dhan ah maraakiibta Israaiil laga leeyahay ama kuwa ku socda dekadaheeda, iyagoo markii dambe ku daray maraakiibta Mareykanka iyo xulafadiisa, ka dib markii ay bilaabeen hawlgallo duqeyn ah oo lagu qaaday goobaha Xuutiyiintu ka taliyaan si loo joojiyo weerarrada ay ku hayaan maraakiibta gooshaysa badaha caaalamiga ah.

Inkastoo tan iyo bilowgii sanadkan, isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay qaadeen weeraro ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayaan “goobah ay Xuutiyiinta ku leeyihiin” qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka Yemen, haddna kooxda Ansurallah ama Xuutiyiintu waxay sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee Badda Cas, Badda Carabta, Badweynta Hindiya iyo Baddaha kale ee gobolka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed