Ciidamada Israaiil oo isaga baxay magaalooyinka Daanta Galbeed

Milateriga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo Jimce isaga baxay magaalooyinka woqooyiga Daanta Galbeed ee Jenin, Tulkarm iyo xeryahoodii qaxootiga, ka dib 10 maalmood oo duullaan iyo weeraro ah, oo ay ku dileen 36 falastiiniyiin ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada wararka Anadolu in ciidamada Israel goobaha ay isaga baxeen ay ka muuqdaan bur bur xooggan sida kaabayaashii dhaqaalaha iyo guryihii magaalada.

Ciidanka Israa’iil ayaa dib u galay Tulkarm horraantii Isniintii, ka dib markii ay markii hore ka soo baxeen fiidnimadii Agoosto 29, ka dib weerar milatari oo qaatay 48 saacadood.

Dadka deegaanka Jenin ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in ciidamada Israel ay dib ugu soo laabtaan magaalada iyo xerada si ay weeraro kale uga geystaan ka dib markii ay isaga baxeen oo ay fariisin ka sameysteen kontaroolada ciidamada ee ku hareeraysan, sida marar badan oo hore dhacday.

Ciidamada Israel ayaa burburiyay waddooyinka waaweyn ee Jenin, xerada qaxootiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee aagga bari ee magaalada. Biyaha, korontada, iyo xadhkaha isgaadhsiinta ayaa go’ay natiijada qodista iyo burburka ay fuliyeen mishiinnada dhismaha ee Israa’iil ee agagaarka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed