Maamulka Banaaadir oo dambi ku timaamay ciddii Muqdisho ka taageerta Itoobiya

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in aan Muqdisho laga taageeri karin damaca baddeena ku dooneyso Itoobiya, isaga oo ka soo horjeestay in arintaas ku aadan aanan gobolka Banadir lagu sameyn karin.

Madaale ayaa sheegay waa sida hadalka uu u yiriye in Itoobiya markii la dhisaayay maamul goboleedyada ay saameyn ku laheyd, mid kastana xad la leedahay.

“Aqalka ummada looga talinaayay ee baarlamaanka hortiisa ayuu ka sheegay wixii uu rabo, waa danbi in Itoobiya in laga taageero Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay garsoorka iyo guddoonka baarlamaanka in ay la xisaabtamaan dadka arrinkaasi sameeyay.

Duqa gobolka hadalkiisa ayaa imaanaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid xildhibaannada golaha shacabka ay taageereen joogista ciidamada Itoobiya ee howlgalka ATMIS, iyada oo ku dooday in aan loo baahneyn in wadamo is dagaashan gudaha la iskugu balamiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed