Iyada oo qayla dhaanta Itoobiya ay ka muujineyso Ciidamada Masar ee Soomaaliya imaanaya ay cirka isku sii shareereyso ayaa waxaa soo baxaya aragtiyo suurtagal ka dhigaya in gudaha dalka ay si ka fool ka fool ah isku arki doonaan Ciidamada Masaarida iyo Itoobiya.
Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya in ay isaga baxaan dalka, ka dib markii Muqdisho ay ku adkeysatay in laga saaro howlgalka ciidamada ka socda Itoobiya iyo kuwo kale oo ay tilmaantay in sifo aan sharci aheyn ay kaga soo talaabeen xudduudka.
Hadaba, suurtagal ma tahay in ciidamada Masar iyo Itoobiya ay isku arkaan gudaha Soomaaaliya?
Sida la wada ogyahay ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku sugan qaar in sifo sharci ah ku jooga, kuwaa oo hoos taga AU-da, waxaana qawaaniintoodu uu dhigayaa sida aan ka soo xiganayso Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed in dalka kasta oo ka baxaya howlgaladooda uu u huggaasami doono sharciga u yaal, kaasi oo qabanaya ciddii talowda.
Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo wareysi gaar ah siiyey HBN ONLINE TV, isaga oo ka hadlayey xaaladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo cakirneyd tan iyo horaantii sanadkan ayaa sheegay, haddii ay Itoobiya ka baxdo dalka in ay ku qasbanan doonto u huggaansanaanto shuruucda caalamka iyo axdiyada AU-da.
” Ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku sugan ee ATMIS ka tirsan wakhti cayiman ayey ku joogaan, waxaa laga xukumaa African Union (AU) marka ay baxaayaan AU ayaa bixineysa” ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab.
Sida oo kale Prof. Cabdiwahaab ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Itoobiya ay ku qasbanaan doonaan marka ay baxaan dalka in calanka Midowga Afrika ay ku wareejiyaan ciidamada bedelaya, taasi oo suurtagal ka dhigeysa in si ka fool ka fool ah labada ciidan isku arkaan.
“labadaan Ciidan waa is bedelayaan, waxaana ay isku bedelayaan, iyaga oo African Union sharcigooda wata, ayey calanka African Union isku dhiibaayaan” ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in waxa isku soo dhaweeyey Muqdisho iyo Qaahira ay tahay in xiriirka labada dal ka dhaxeeya uu yahay mid soo jireena ahaa, in ay kawada tirsanyihiin ururada wadamada carabta, African Union iyo in Masar tahay dal saaxiib soo jireen la ah Soomaaliya aheyd, ayna xaq u leedahay in ciidamo ku tabarucdo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo la micna ah in aysan ka mid noqon doonin howlgalka cuusb ee AUSSOM oo la filayo in uu bilowdo bisha koowaad ee sanadka soo socda.
Bayaanka ay Itoobiya soo saartay ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay in ka guurista howlgalka Midowga Afrika ee Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo loo beddelo howlgal cusub ay la socdaan waxa ay ku micneysay in khataro ka buuxaan.
HBN ONLINE TV