Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin hordhac ah ka bixisay howlgallo duqeymo ah oo loo adeegsaday Diyaaradaha Dagaalka, kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga Ruun-nirgood oo Shabeelaha Dhexe iyo Ceeldheer oo Galgaduud ah.
Howlgalkaan ayey Dowladdu sheegtay in ay ku beegsatay saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaannada hoostaga Magaalooyinka Ruun-nirgood Gobolka Shabeelaha Dhexe & Ceeldheer oo ah Gobolka Galgaduud.
DFS ayaa intaas ku dartay in lagu dilay xubno ssar sare oo katirsan kooxda Alshabaab, Isla markaana ay ku gubeen Gaadiid halkaas yaallay, inkasta oo aanay jirin faahfaahin dhammeystiran balse Dowladdu ay tilmaamtay in ay dib ka soo gudbin doonto.
Muddooyinkii dambe ayaa guulo muhiim ah sheegatay howlgal ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan deegaanno Koonfurta iyo Bartamaha dalka.
HBN ONLINE TV

