WAR DEGDEG AH: Xildhibaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay xarunta golaha Wakiillada Somaliland

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa dhaawac madaxa ka soo gaadhay ka dib dagaal xarunta golaha Wakiillada ku dhexmaray isaga iyo Xildhibaan Jamaal Jaah oo Togdheer laga soo dooorto.

Muuqaal laga soo duubay kulanka Golaha Wakiiladda Somaliland ee maanta oo lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa muujinaya labada xildhibaan oo ka hor inta aysan ganac dhaafin ay hadalo is dhaafsadeen, ugu dambeyne muran arintaasi ka dhashay uu sababay isku dhaca.

Dagaalka labadaan Xildhibaan ayaa aan ilaa hadda la ogeyn waxa keenay, inkasta oo golaha wakiilada wajahayey buuq fadhiyadii ugu dambeeyey.

isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed