Dhoolatuska Ciidamada Soomaaliya iyo Masar oo lagu wado in uu dhaco

Ciidanka Masar iyo Soomaaliya ayaa dhoolatus militari oo wadajir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidanka dhulka, badda iyo cirka waxay ku sameyn doonaan gudaha Soomaaliya , tan oo ka dhigaysa taariikhda markii koowaad iyo dhoolatus heerka ah oo ka dhacaya gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Masaari ah.

Lama sheegin taariikhda dhoolatuska uu ka billaabanayo Soomaaliya iyo tirada ciidamada ka qeybgalaya, iyada oo ay ku soo aadayso xilli labada dal ay sare u qaadeen iskaashigooda militari , halka Qaahira ay kumannaan askari usoo diri doonto Soomaaliya , kuwaas oo saldhigyo ku yaalanaya gudaha dalka.

Tiro ka qeyb ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kumannaan kale ayaa la sheegay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

Tani ayaa sida oo kale ku soo aadeysa, iyada oo dhamaadkii bishii hore Muqdisho ay ka soo degeen labo diyaaradaha Ciidamada Masar, kuwaa oo siday saraakiil iyo agab ciidan oo hordhac u ah ciidamada dalkaasi oo lagu wado in Soomaaliya yimaadaan.

Ciidamada dalka la keenayo ayaa isugu jira 10-kun oo askari oo AUSSOM ah iyo kuwa si ka madaxbanaan laba dal uga heshiiyeen, halka masar ku adkeysatay difaacitaanka ilaalinta madaxbanaanida Soomaaliya.

Dhoolatuska militari , wuxuu sidoo kale ku soo aadayaa xilli xiisadda Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Itoobiya ay sare martay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed