Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib safar uu kaga yimid dalka Dibadiisa, sida ay sheegayaan masuuliyiin kala duwan oo aan la hadalnay.
Lama oga sababta xildhibaanka loo xiray, balse waxaa la sheegay in garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ay ka qabteen Ciidamada Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo gobolka Awgdal ka soo gala golaha wakiilada Somaliland ayaa dhowr jeeer oo hore iska fogeeyey eedeymo kaga yimid Xafiiska xeer ilaalinta, kuwaa oo loo gudbiyey Golaha wakiilada somaliland si cod loogu qaado in Xasaanada Xildhibaanimo looga xayuubiyo.
Xildhibaan Maxamed wajahayey mudooyinkii ugu dambeeyey sida hadalka uu dhigay culeysyo kaga imaanayey xafiiska Somaliland looga taliyo, kaasi oo uu ku eedeeyey in uu shirqoolayo.
HBN ONLINE TV

