Waxaa maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka uu lahaa ee Xildhibaannada uga doodi lahaayeen ‘aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka Soomaaliya, iyada oo Fariinta lagu baajiyay loo diray Xildhibaannada, lamana raacin sababta keentay in uu baaqdo.
Sida ay warbaahinta ku heshay xogo lagu kalsoonaan karo, kala aragti duwanaanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee arrinta Itoobiya ayaa saameysay fadhigaan, waxaa loo baajiyay in laga fogaado buuq ka dhaca xaruntooda.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa fariinta baaqashada ah u diray Xildhibaannada, waxaana uu yiri “Xildhibaanda Sharafta leh, Kulankii Barri loo balansanaa waa Abaaqday. Mahadsanidiin”.
Tiro Xildhibaanno ah ayaa si cad uga hor yimid in Dalka laga saaro Ciidamada Itoobiya, Sababta waxa ay ku sheegeen in deegaannada Koofur Galbeed amnigeeda ku tiirsan tahay balse waxaa ka hor yimid Xildhibaanno kale.
Wararka kale oo warbaahinta loo dusiyey ayaa sheegaya in Xildhibaannada qaar ay wadeen Mooshin ama soo jeedin kuwaas oo doonayay in ay gacanta u geliyaan Guddoonka, tallaabadaan waxa ay sababi kartay in uu kordho buuqa sidaas awgeed la sheegay in guddoonkoodu la wanaagsanaatay in la baajiyo.
HBN ONLINE TV