Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaleeceeyey masuuliyiin taageeray Itoobiya

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si cad ugu soo horjeestay war saxaafeed ay horay u soo saareen xildhibaano ka tirsan BJFS oo deegaan doorashadoodu tahay KGS.

War saxaafadeedka Kutlada dhambaal ay soo sareen, ayaa ayaandaro ku tilmaamay in Masuuliyiin Dowladeed ay isla soo taagaan sida hadalka u dhigeen in ay taageeraan Cadawga Dalka, taasi oo ay sheegeen in aan marna la aqbali karin in taaka ka mid dhulka Soomaaliyed lagu soo xadgudbo.

Xildhibaanadan ayaa sida oo kale ugu baaqay DFS in si degdeg ah ay ugu howlgasho dhamaan gayiga dalka, iyaga si gaar ah loo tagayo goobaha ciidamada Itoobiya joogaan iyo kuwa ay banaynayaan ciidamada ATMIS

Shalay, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda deeganada KGS oo warbaahinta hadlay ayaa sheegay, in laga haboonyahay sida ay hadalka u dhigeen in dowladda Soomaaliya ay dowlado is dagaalsan isku balamineyso, aysanna habooneyn in dadka rayidka ah lagu dul dagaalamo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed