Faah faahinno ah ayaa laga ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab ka kacay qaybo ka mid ah Suuqa Tabeelaha degmada Garasbaaley ee Gobolka Banaadir.Dabkaan ayaa isaga kala gudbay qaybo kamid ah Suuqaaas waxaana ka dhashay khasaara maaliyadeed inta ilaa hadda la xaqiijiyay.
Goobo lagu iibinayo badeecadaha kala duwan ayuu dabka qabsaday waxaana intooda badan saamayn ku reebay dabkaas, inkasta oo ay jiraan waxyaabo yar oo laga soo badbaadiyay sida ay warbaahinta u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaley.
Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah iyo kuwa dab damiska ayaa goobta gaaray si ay u qabsadaan shaqadooda oo kala ah daminta dabkaas iyo qaadista haddii Dad waxyeello kasoo gaarto, Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa xiray waddooyinka gala suuqaan si loo badbaadiyo hantida kale ee taalla.
Gubashada suuqyada Magaalada Muqdisho ma ahan arin ugub ah balse ma jirto xog lasoo bandhigo oo ku saabsan waxa sababay dabka si loo raadiyo xalka la xiriira in aanay markale Ganacsatadu hantidoodu ku basbeelin.
Dhowaan waxaa gubtay Suuqa Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa kasii horreeyay Suuqa Degmada Jowhar oo sidoo kale dabkii qabsaday sababay khasaara xooggan oo ilaa haatan Ganacsatadu kasoo kaban la’ yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soosaarin gubashada Suuqyada ee sidii tusbax go’ay oo kale noqotay, waxaana dhanka kale qiimeyn lagu sameynayaa khasaaraha Ganacatada kasoo gaaray dabkaas.
HBN ONLINE TV

