Dagaal dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxyaa dagaal ka dhcay galinkii dambe ee maanta deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeya ciidamo la sheegay inay ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxo hubaysan oo deegaanka ka soo jeeda.

Dad goobjooyagaal ah ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhacay magaalada, kaasi oo ahaa mid aad u xooggan oo sababay in khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay hal ruux oo dhinacyada dagaalamay ka tirsan, halka dhaawac aan la tirakoobin la soo sheegay in uu jiro, waxaana goobta dagaalka ka dhacay lagu sheegay xero Shiino.

22-kii bishaan Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa duulaan ku qaady waxa uu ku tilmaamay maleeshiyaad beeleed oo ay ku eedeeyeen in ay isbaaro dhigteen magaalada Yaaqbariweyne, iyada oo dhinacyadu dhowr jeer oo hore is dhaafsadeen hadalo kulul oo ku aadan gacan ku heynta magaalada.

HBN ON LINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed