Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in horumarro la taaban karo laga gaaray dadaallada ku aaddan ka faa’ideysiga keydka shidaalka qaranka, ka dib heshiis istiraatiji ah oo ay la gashay Turkiga.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Dr. Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in markab laga leeyahay dalka Turkiga lagu wado inuu yimaado bisha September Soomaaliya, si uu u sameeyo sahamintii ugu dambeysay ee goobaha laga qodayo shidaalka.
Sida oo kale Wasiir Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux sada ay in bilowga rasmiga ah ee qodista shidaalka lagu wado in la gaaro horraanta sannadka 2025-ka, taasoo sida uu sheegay calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay ka mid ahaanshiyaha Soomaaliya ee hay’adda tamarta adduunka ee loosoo gaabiyo IAEA, kaas oo la filayo sida uu sheegay inay dalka ka soo saarto faa’iidooyin la taaban karo.
Wasiirka Batroolka iyo macdanta wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta qaybteeda tamarta iyo ka faa’iidaysiga iskaashiga caalamiga ah ee kobaca dhaqaalaha.
HBN ONLINE TV