Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Soomaaliya ayaa baaq nabadeed loogu diray dhinacyada ku dagaalamay Gobolka Sanaag, gaar ahaan duleedka Magaalada Ceerigaabo.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in ay si dhow uga warqabto xaaladda halkaas ka taagan, iyada oo waxgaradka deegaanka oo ay ugu horeeyaan duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta, mas’uuliyiinta Maamulka & cid weliba oo gacan ka gaysan karta ay u jeedisay in ay u istaago xal u helista xiisaddaas.
Sida oo kale wasaaradda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wax kasta oo kaalinteeda ay kaga qaadan karto xal u helida dagaalka dadka ay ku dhinteen ee magaalada Ceerigaabo.
“Wasaaradda Arimaha guddaha waxaa ay diyaar u tahay in ay ka geysato wax Alle wixii kaga aadan sidii loo heli lahaa xalwaara oo ku dhisan wada hadal iyo is faham” ayaa lagu yiri warqada ka soo baxay Wasaaradda.
Xiisadda ka taagan Magaalada Ceerigaabo iyo bannaankeeda waxaa ku naf waayay ilaa saddex ruux oo la sheegay in siyaabo kala duwan loo dilay muddada ay colaaddu taagan tahay, waxaana hanjabaad hawada isku dhaafsaday Maaamullada Somaliland & SSC-Khaatumo.
HBN ONLINE TV

