Dagaal galay maalintii labaad oo ka socda gobolka Sanaag

Waxaa maalintii labaad xiisad saameyn taban ku reebtay qoysaska deegaannada ku xeeran ah magaaalada Ceerigaabo ay ka taagan tahay Gobolka Sanaag, iyada oo ilaa shalay dhowr qof siyaaba kala duwan loogu dilay, halka la soo sheegayo in Somaliland ciidamo ku soo daad gureysay magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa la tilmaamay in awood u adeegsadeen dad caraysan oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah maamulkaasi, isla markaaan qaarkood watay calanka Maamulka sida kumeel gaarka ah Dowladda Federaalka u aqoonsatay ee SSC-Khaatumo ay kala eryeen.

Wararka ayaa sheegaya in Somaliland ay Ciidamo aad u badan iyo gaadiid dagaal ku soo daabushay magaalada Ceerigaabo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagnaayeen xiisado dagaal. Sidoo kale waxaa soo baxaya ciidamo kale oo ka soo horjeeda Somaliland inay ku sii qulqulayaan deegaankaasi.

Muuqaal muujinaya ciidanka Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay ka soo kicitimeen fariisimaha magaalada Oog, kuwaa oo ku soo jahaystay magaalada Ceerigaabo, sida ay inoo soo sheegeen dad deegaanka oo aan la xariirnay.

Xiisadan ayaa soo cusboonaatay ka dib markii ciidamada Somaliland ay habeen hore ku dileen magaalada Ceerigaabo wiil ka mid ahaa dhalinyarada magaalada, iyada oo shalay galinkii dambe duleedka magaalada ay ku dhinteen laba qof geelleey ahaa.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in magaaalada gacan ku heynteeda ay isku heystaan dhinacyada Somaliland iyo SSC-Khaatumo uu mid walba ku doodayo in deegaannada rabshadaha ka socdaan ay iyagu maamulaan, dhinac weliba waxa uu dhanka kale dusha ka saarayaa mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka dhaca deegaannadaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Golaha Wasiirrada Maamulka Kumeel gaarka ahee SSC-Khaatumo oo fadhi gaar ah ka yeeshay arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo, waxa uu ku tilmaamay ‘Daan-daansi’ ay sameynayso Somaliland.

Sanadkii hore waxa SSC-Khaatumo iyo Somaliland ku dagaalameen Gobolka Sool, gacanta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxaa ka baxday deegaanno dhowr ah, tan iyo xiligaas waxaa socday abaabul labada dhinac ay wadaan.

Somaliland ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay in lagu soo duullay isla markaana ay doonayaan in ay difaacdaan deegaannadooda sida ay hadalka ku dhigeen, waxaa silsilad noqday dagaallada u dhaxeeya, kuwaa oo ilaa hadda kala heysta Maxaabiis horay u kala qabsaday.

Somaliland waxaa ay bisha November ee soo socota la filayaa in ay ka bilowdaan doorashooyinka isku sidkan, kuwaa oo dhowr jeer oo hore ugu baaqday dagaalada, inkasta oo mucaaradku ku eedeynayo xisbiga talada haya in uu ku seeta dheereysanayo dagaaalada ay la galayaan SSC-Khaatumo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed