Dhalinyaro Soomaaliya Tahriibayaal ah oo laga siidaayey Xabsi ku yaala Suudaan

31 dhalinyaro Soomaali ah ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Suudaan, ka dib markii la xiray xilli ay doonayeen inay u tahriibaan Yurub, iyagoo sii maraya Liibiya.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in la qabtay xilli ay ka socdaalayeen dalka Suudaan, iyagoo doonayay in ay gaaraan xeebaha waqooyi ee Afrika si ay uga soo galaan safarka halista ah ee badda ee ay ku tagayaan Yurub.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaani) ayaa xaqiijiyay sii daynta dadkan, isagoo u mahadceliyay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM iyo dowladda Suudaan.

Wuxuu sheegay in 27 ka mid ah ay ahaayeen rag halka 7 kalena ay dumar yihiin, waxaana la qabtay intii ay tahriibka ku sii socdeen, isagoo sheegay inay ku raad joogaan sidii ay u ogaan lahaayeen 11 kale oo dhalinyaro ah oo laga soo afduubtay deegaan qiyaastii 1000 KM u jira magaalada Port-Sudan.

“Dhallinyaradu hadda waxay ku jiraan gacmo nabdoon,” ayuu yiri Xasan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta muhaajiriinta nugul.

Dhallinyaradan Soomaalida ah ayaa ka mid ah kuwo badan oo safarro khatar ah ku soo maray dalal badan oo Afrikaan ah, iyagoo ugu dambayntii nolol dhaanta midda afrika dalalka Yurub ka raadinayey.

Si walba, kumanaan dhalinyaro qaaradda Afrika ka socdaalay ayaa inta badan ku gudbay badda Mediterranean-ka, oo ah waddo ay ka buuxaan khataro, oo ay ku jiraan khatarta ah inay ku qaraqmaan iyo in magafayaal u gacan galaan.

Suudaan, oo ah waddan muhiim u ah tahriibayaasha u socda Yurub, waxa ay la tacaalaysay caqabadaheeda gudaha, iyada oo dawladdeedu si ku meel gaar ah uga hawlgasho Port Sudan. Magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan waxaa si weyn u saameeyay iskahorimaadyada sokeeye ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF-ta, taasoo keentay xasillooni darro xooggan iyo barakaca kumanaan qof.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed