Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay diideen shirkadaha Favori iyo Albayrak in lagu sameeyo baaris madaxbanaan

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in baaris madaxbanaan oo la doonayey lagu sameeyo shirakado ajaaniib ah oo maamulada Dekada iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay jabiyeen sharciga dheef wadaaagga ee saamiga daqliga ay soo xareeyeen sanadkii 2023, kuwaa oo kala ah Favori iyo Albayrak, sida uu sheegay xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa shaaciyeyey Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2024 ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaaday ee 31-kii Deseembar 2023 , isaga oo sheegay in ay u suurta gali wayday in si madax banaan uu u xaqiijiyo in qidmada dheef wadaagga oo dhameyd 34,261,371 oo doollar oo ah mid si dhabba u baareen oo ay xaqiijiiyeen markaa la eego cadadka labada shirkadood qabteen.

Agaasimaha xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in warbixinadooda maaliyadeed oo soo maray baaris hanti dhowr oo madaxbanaan, shirkadaha Favori oo dowladdu 62.17% daqliga ay qabto ku laheyd iyo shirkada Albayrak oo 25% ayna ku laheyd ay soo gudbiwayeen si madaxbanaan warbixinta sanad qandaraaseed walba.

“Shirkadaha Albayrak iyo Favori ee maamulka Garoonka iyo Dekadda Muqdisho waxay diideen in lagu sameeyo baaris madax-banaan iyagoo jabiyey Heshiiskii ay la galeen dowladda” ayuu yiri Agaasime Guutaale.

Xafiiska Hanti dhowraha ayaa sheegay sdia oo kale in shirkadaha Favori iyo Albayrak ay si cad u jabiyeen oo ay ku xad gudbeen heshiiska dheef wadaag ah ee ay kula jireen DFS, isla markaana aysan soo gudbin warbixin maaliyadeed soo martay hanti dhowr madax banaan ugu dambeyn mudada ku cad heshiiska, isaga oo tilmaamay in dhaqaale dhan 34,261,371 ay qabteen.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay laba shirkadood ee Favori oo maamusha garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Albayrak oo ayna maamusha Dekadda Xamar ayaa ugu wakiil ah dhaqaalaha ka soo xarooda labda meelood, kuwaa oo in muddo ah gacanta ku hayey Garoonka iyo Dekadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed