Kulan deg deg ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen mudanayasha golaha wakiillada Somaliland oo lagu tilmaamay mid loogu jawaabayo Soomaaliya ayaa lagu lafaguray xiisada isu bedeshay Siyaasadda oo ay ku tilmaameen in ay kaga imaaneyso Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.
Fadhigga 5-aad ee Kalfadhiga 9-aad ee golaha wakiilada Somaliland oo maanta oo isniin ah isugu yimaadeen magaalada Hargeysa ayay kaga doodeen waxa ay ku tilmaameen dagaalka ganacsi iyo mid siyaasadeed oo Dowladda Soomaaliya ku soo qaaday bulshada Somaliland.
Kulanka oo ay soo xaadireen 51 mudane ayaa waxaa dood ka dib ay soo saareen qaraar ay ku sheegeen in ay difaaci doonaan jiritaankooda iyo madaxbanaanidooda sida ay tilmaameen, waxaaan kulanka inta uu socday shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland Saciid Mire Faarax.
Dood ka dib kulanka ayaa soo waxaa ay soo jeediyeen in la joojiyo wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland u socday iyo shirkadaha ka diwaangashan deeganadooda aysan fulin karin amarka Soomaaliya, sida uu ka hor akhriyey kulanka Xildhiban Maxamed Xasan Siciid oo ah Guddoomiya guddiga arimaha Dibadda ee Somaliland.
HBN ONLINE TV

