DFS oo si rasmi ah u dhaqan galisay Canshuurta alaabaha ka soo dega Dekadda Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay in ay dhaqangelisay Hannaanka Khidmad dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta looga qaado Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha ka soo dega Dekadda Muqdisho, kuwaa oo ay cabasho ka keeneen ganacsatada magaalada.

Wasaaradda ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in maanta oo Isniin ah taarikhduna ay tahay 26-ka Agoosto 2024, si rasmi ah loo dhaqan galiyay heshiiska khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Goloha Wasiirada JFS qodobkiisa 5-aad farqaddiisa 1-aad kuna saabsanaa in la dhimo konton boqolkiiba (50%) khidmadda laga qaado Iskaanka lagu hubiyo badecadaha ka soo dega Dekadda magaalada Muqdisho.
Sida oo kale wasaaradda ayaa sheegtay in si loo horumariyo dakhliga Dowladda ay Wasaaradda Maaliyadda ka go’an tahay in ay si hufan ugu adeegto bulshada.

Wasaaraadda ayaa ganacsatada ka dalbatay in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Cashuur bixiyeyaasha ah oo door muhiim ah ku leh sare u qaadidda dakhliga gudaha sida ay tilmaantay, iyada oo intaasi ku dartay in ay marwalba xalin doonto cabashooyinka Ganacsatada.

18-kii bishaan ayaa dowladda Soomaliya waxaa ay Koonfurta iyo bartamaha dalka ka hirgalisay qaadista canshuurta danabeysan ee boqolkiiba shan (5%), taasi oo cabashooyin kala duwan ay ka soo gudbiyeen ganacsatada, inkasta oo dowladdu sheegtay in la xaliyey tabashooyinka qaar ay Ganacsatada qabeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed