Wararka ka imaanaya degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo isugu jiray Askar & Dad rayid ah.
Hal ruux ayaa la sheegay in uu ku dhintay, halka laba kale uu soo gaaray dhaawac, ka dib markii qaraxa oo noociis ahaa Miino la dhigay hareeraha laamiga, ayaa dhacay wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Wadadaan uu ka dhacay oo ah mid aad u mashquul badan ayaa waxaa marayay Gaadiid isugu jiray kuwa rayidka iyo kuwa gaar ah ee ciidamada Dowladda adeegsadaan, iyada dad goobjoogayaal ay inoo sheegeen in markii uu qaraxa dhacay ka dib ay maqleen rasaas ay rideen ciidamo katirsan DFS.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa dadka waxyeeladu soo gaartay looga qaaday baabuurta gurmadka deg deg ah.
Bishaan 21-keedii ayaa waxaa qarax lagu soo raray gaari uu ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, isaga oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo askar ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka qaranka, iyada oo Dawlada Soomaaliya ku eedeysay in ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab.
HBN ONLNE TV

