Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo abxaya dab xooggan oo gubay suuqa wayn ee magaalada Ceelashaa Biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dibna sababay qaraasare soo gaaray baahsan sababay.
Dabka oo la sheegay in uu ka dhashaay qarax suuqa la dhigay ayaa xili dambe oo xalay ah sababay in uu si siman u wada gubay goobaha lagu gado qalabka Elektooniga iyo Maacuunta ee suuqa Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeyeey in u suuqu gubto inay ka dambeeyeeen sida hadalka ay u dhigeen Kooxda Alshabaab, iyaga oo sheegay in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ku baakimeen goobta. Ma jirto cid wax ku noqotay dabkaasi, balse waxa uu baabi’iyay hanti badan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ka hadlay ayaa tilmaamay in Alshabaab xalay suuqa Weyn ee degaanka Ceelasha Biyaha gubeen, kaas oo dhaliyay inay gubtaan ku dhow 30 dukaamo oo lagu iibinayo agabyo kala duwan.
Dabka ayaa lagu guuleystay in la damiyo goordambe, inkasta oo guddoomiyaha Shabeellaha hoose ku tilmaamay in fal dambiyeen qaraxaasi ahaa.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa ganacsatada hantidoodu ku gubatay suuqyada deegaanka lafoole gaar ahaan Ceelasha Biyaha kuwaasi oo ay arxanlaawayaasha Khawaarijta ay la beegsadeen qaraxyo dhowr ah” ayuu yiri.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa carrabka ku dhuftay in baaritaan lagu samey doono, kaasi oo ay kala kaashan doonan hay’adaha amniga sida ay ugu suurta gashay Alshabaab in goobahaasi ay gubaan.
HBN ONLINE TV

