Dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir ay soo saartay dul dhigtay shirkaddo iyo Xawaaladaha dalka, kuwaa oo laga dalbaday in ay fuliyaan amarka ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaha Xukuumadda Soomaaliya.
Warka oo lagu bilaabay wargalin ayaa dhamman xawaaladaha yo shirkadaha kale lagu wargelinayo in gobannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo xuduudaha dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya yihiin laguma xadgudbaan, iyaga oo la faray in ay joojiyaan xadgudubka lidka ku ah gobannimada iyo wadajirka geyiga dalka.
Waxaa dhamaan la faray in ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kala duwan oo ay ku bixiynan adeegyada maaliyadeed magaca “Somaliland” kuna koobaan keliya magaca ” Soomaaliya” marka ay tilmaamayaan dalka Soomaaliya ugu dambeyn 1-da September 2024.
Sidoo kale, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaha ayaa la fartay shirkadaha wadashaqeynta la leh shirkad kasta oo ku kacda xadgudub lid ku ah gobannimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay ku wargeliyaan fulinta amarkaan.
“Xawaalad iyo shirkad kasta oo aan u hoggaansamin amarkaan waxaa loo tixgelin doonaa in si bareer ah ugu xadgudbayso gobannimada iyo wadajir Jamhuuriyadda Federaalka Soomnaliya, waxaana lala tiigsanayaa shuruucda dalka u yaalla” ayaa lagu soo gabagabeeyey warqadan oo si gaar ah u taabaneysay seddex shirkadood.
HBN ONLINE TV

