Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga jawaabay war ka soo baxay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta kaas oo ay ku sheegytay in maxkamad militari oo ku taalla Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay carruur aan wali qaanqaarin. Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan gaarro lagu helay dambiyo”.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.
“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Mr Ceydiid. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.
“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waa wayn oo qaangaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray. Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan habraacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.
“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaa isna caddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labaad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddi ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaanloo ogaalay oo fursad la siiyay,” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Waxay ahayd 17-kii bishan markii dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda sheegtay lagu helay in ay al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.
Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay xukun dil ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhalinyaro ah maamul goboleedka Puntland. Bayaan ay soo saartay hay’adda ayay ku sheegatay in dadkan lagu helay dambiyo ay galeen xilli ay caruur ahaayeen oo ay dad’doodu ka hooseysay 18 sano jir laguna eedeeyay inay al-Shabaab ka mid ahaayeen.
“Xukunnada ayaa waxaa riday maxkamado ciidan, kuwaasoo aan lahayn hab-raac gaar ah oo caddaaladda lagu mariyo carruurta, isla markaana aan ahayn meel carruurta lagu xukumo,” ayaa lagu yiri bayaanka Unicef.
Bayaanka ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu yiri “Unicef waxay ku boorinaysaa maamulka Puntland in caruurta ku biiray kooxaha hubeysan ay ula dhaqmaan sidii dhibanayaal, islamarkana dib u eegis lagu sameeyo hannaanka garsoor ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan la horgeyn oo lagu xukumin maxkamadaha ciidamada, ayna helaan habraac garsoor oo ku habboon waafaqsana Xeerka Caddaaladda Carruurta Puntland iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay.
HBN ONLINE TV

