Maxkamadda Sare oo Xukun dil uu ku jiro ka soo saartay Walaallo wada dhasahy.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd 30-kii Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 30-kii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

19-kii bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa sheegtay in iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ay ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay, sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed