Itoobiya iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab & OLA

Hay’adaha sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab & kooxda OLA ee Oromada iyo waliba sugida amniga xadka ay wadaagaan labada dal.

Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Sirdoonka Kenya, Nuurdiin Maxamed Xaaji oo safar shaqo ku jooga Addis Ababa, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Itoobiya ee NISS Ridwaan Xuseen.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee isdhaafsiga xogaha iyo horumarinta sirdoonka.

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya ayaa dhigiisa Kenya u sheegay in uu xiriir ka dhaxeeyo ururka Oromada ee OLA ee ku sugan gudaha dalkaasi iyo Al-shabaab, isla markaasna loo baahan yahay in la iska kaashado amniga.

Labada waddan waxay hore u kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah oo la xiriira is-dhaafsiga macluumaadka iyo arrimaha kale ee ammaanka iyo nabadgelyada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed