Dowladda Soomaaliya ayaa boqortooyada UK kala hadashay arimo ay ka mid yihiin madaxbaannanida Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, ka dib markii safiirka Ingiriiska ee Muqdisho lagu eedeeyey in uu si aan “diblumaasiyad ahayn” uga halday midnimada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan kula qaatay Muqdisho Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Stephen Nithavrianakis, iyada oo dhinacyadu ka hadleen in kor loo qaado ilaalinta iyo qiyamadka labada dowladood.
Wadahadallada ayaa sida oo kale looga hadlay arin ku aadan dib u xaqiijinta Boqortooyada Midowday ee Soomaaliya, madaxbannaanida dhuleed, iyo midnimada, taasi oo dhinacyadu isku fahmeen.
17-kii bishaan Agoosto, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Federaalka Axmed Macalim Fiqi ayaa si adag uga falceliyay qoraal uu bartiisa ku soo qoray Safiirka UK ee Soomaaliya, isaga oo uga digay diblumaasiyiinta shisheeye in magaca Soomaaliya loo kala qaybiyo Soomaaliya & Somaliland.
Hadalkan ayuu waxaa uu uga jawaabayay qoraalka safiirka Ingiriisku uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlay kulan uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan hay’ad qaabilsan miino saarista oo ka shaqeysa deegaano kala duwan.
UK waxay ka mid tahay dalal kooban oo xafiisyo ku leh magaalada Hargeysa inkastoo aysan safaaraad ahayn haddana waxaa ka jooga diblumaasiyiin.
HBN ONLINE TV

