Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ciidamada beledaya ATMIS ee nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa sheegtay in dalalka ay ka imaanayaan go’aankeeda ay yeelan doonto Dawlada Soomaaliya, halka sida ay hadalka u dhigtay ay dowladda ay doonto kala heshiin karto.
Wasaiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey arimaha Ciidamada cusub ee lagu dhawaaqay in sanadka soo socda dalka ka howlgalaan ayaa sheegay in sida ku cad go’aannada Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in go’aanka dalka martida loo yahay lagu soo xulayo xubnaha dalalka ka midka noqonaya.
“Kadib ATMIS, Janaayo, 2025 Howlgalka AUSSOM wuxuu ku dhisnaan doonaa rabitaanka dalka martida loo yahay. sida ku cad go’aannada Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Q.M, dalka martida loo yahay ayaa leh go’aanka xulashada xubnaha” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lagala heshiin doono wax walba oo ku saabsan ciidamda imaan doono iyo dalalka ay ka imaanayaan kaasi oo la gali doonaan Soomaaliya, iyada oo la raacayo sharciyada uu dhigayo qaraarka howlgalka cusub ee AUSSOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo la micna ah in aysan ka mid noqon doonin howlgalka cuusb ee AUSSOM oo la filayo in uu bilowdo bisha koowaad ee sanadka soo socda.
HBN ONLINE TV