Soomaaliya oo bananka soo dhigtay waxyaabaha Itoobiya ku doodeyso ee doonista Badda

Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta kulan la qaatay masuuliyiinta sare ee wasaaradda ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo bannaanka soo dhigay waxyaabaha ay miiska wadahaladka ay soo saartay xukuumadda Addis Ababa, kuwaasi oo uu ku tilmaamay waxaan la aqbali karin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xukuumadda Abiy Axmed ay ku doodeyso in xaq u leeyihiin helitaanka Bad, taasi oo ay ku sifeysay in dhiig ay u daadiyeen Soomaaliya difaaceeda oo ah ciidamadeeda ka tirsan howlgalka ATMIS ee dalka ku sugan.

“Mar walba waxaa ay yiraahdaan dhiig badan baan Soomaaliya awgeed u daadinay, oo dad badan baa nooga dhintay Soomaaliya difaaceeda” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in magta ciidamada Itoobiya uga dhintay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS la bixiyay, isaga oo intaasi ku daray in wax walba oo dhaca aanan lagu bedellan karin Bad.

Wasiirka ayaa ku gar naqsaday in mid taas la mid ah in Dowladda Itoobiya Soomaaliya ku sameysay xiligii ay ku soo duuleen ciidamda talada hayey ee Tegreega, kuwaasi oo sababay in kumanaan shacab aha ku dilaan dalka, burburiyeen hanti badan iyo qaraxa ku dhawaad milyan shacab Soomaaliyeed.

“2007, 2008 dad ka badan 20-kun oo qof ayey ku dileen Ciidamda Itoobiya Soomaaliya oo taliskii Tigreegu markuu huggaaminayey ah, waxaa ay burburiyeen guryo iyo hantidii magaalooyinka waa weyn oo Muqdisho ay ugu weyn tahay, sideed boqol oo kun oo qof ayaa qaxday ciidankaas awgiis” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in arintaasi iyada oo jirta in shacabka Soomaaliyeed aysan ku dhaqaaqin dacwad in laga gudbiyo Itoobiya, inkastoo ay xaq ugu lahaayeen.

Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyada oo horaantii bishaan ay natiijo la’aan ku soo dhamaadeen wadahalladii u dhaxeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, halka wareeg 3-aad loo balansan yahay bisha September 17-keeda, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo la micna ah in aysan ka mid noqon doonin howlgalka cuusb ee AUSSOM oo la filayo in uu bilowdo bisha koowaad ee sanadka soo socda.

Falanqeeyayaasha gobolka ah ayaa sheegaya in Itoobiya u isticmaalayso is-afagaradkii ay la saxiixatay Somaliland mid gorgortan ay dawlada Soomaaliya ku riixayso in ay ugu ogaalato doonista bad ay si buuxda u isticmaasho, halka dhowr jeer Abiy Axmed uu ku dooday in lagama maarmaan tahay in Itoobiya ay Bad hesho.

Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka soo horjeesatay in wax lagu dhameeyo xeer jajab, ayna ku adkeysanayo qawaanniinta caalamiga ah in lagu saleeyo heshiis kasta oo la galayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed