Itoobiya oo si adag uga jawaabtay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan ka oo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku aadan khilaafka labada dal ee salka ku haya xadgudubyada Itoobiya ee ka dhanka madaxbannaanida Soomaaliya.

Aadan ayaa difaacay is afgaradii ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, isaga oo tusaale ahaan usoo qaatay waa sida hadalka uu u dhigay’e in Dowlad-Deegaanka Soomaalida uu u madaxbannaan yahay heshiisyada dantooda ku jirto.

Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo tan maamulka bulshada Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayuu sheegay in ay u xaq u leeyihiin ay ka shaqeeyaan balse qoraalkiisu kuma muujin in ay geli karaan heshiisyo dibada ah ama dal kale ah.

“Waxaa xusuusin mudan in hanbaanka dawladeed ee ka dhisan Itoobiya uu yahay mid dawlad-wadaaga ah (federalism) kaasoo qawmiyad walba u saamaxay in ay iskeed isu maamusho. Qowmiyadda Soomaalida oo ah qowmiyadda 3aad ee ugu tiro badan 76-da qawmiyadood ee ku dhaqan Itoobiya, ayaa xuquuqdeeda siyaasadeed, mida dhaqaale iyo tan bulshaba si siman oo caddaaladi ku dheehantahay loo sugay” ayuu yiri Aadan Faarax.

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliiya oo ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Itoobiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Aadan Faarax Ibraahim.

Ayuub ayaa sheegay in Maamulka Abiy Ahmed uu yahay kan hurinaya colaadda kana shaqeynaya sidii loo sii kala fogeyn lahaa labadaan dal ee xuduudda leh, taliska uu ka tirsan yahay ayuu xusuusiyay in uu qaaday tallaabooyin uu ku burburinayo dedaallada diblumaasiyadeed, waa sida xildhibaanku hadalka u yiriye.

“Maalinkan la joogo, wax aad looga xumaado weeyaan in shakhsi Soomaaliyeed oo ka tirsan taliska colaad u joogga ah ee Abiye Axmad in dowladda Soomaaliyeed ku eedeeyo colaad hurin Iyo in ay halis ku tahay wada noolaanshaha geeska afrika” ayuu Yiri Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

“Waxa aan xasuusinayaa Mudane Aadan Faarax in taliska uu ka tirsanyahay masuul ka yahay hurinta colaado lagu hoobtay oo sababay qax, dhimasho iyo burbur baaxad leh. Colaadahaas uu abuuray taliska Abiy oo culays ku haya nabadda iyo wada noolaanshaha shucuubta geeska ayuu haddana bilaabay damac isbalaadhineed oo qaawan. Damacaas oo dhul iyo bad dal kale uu ku doonayo nidaamka Abiy ma qarsan, marar badan ayuu ku celiceliyay in uu “Xoog ama xeelad ku rabo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Ayuub.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed