Dawladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay laba shirkado diyaaradood oo laga leeyahay dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya, kuwaas oo ay ka dalbatay in saxaan qaladaad ay sheegtay inay ka muuqdaan bogaggooda Internet-ka kuna aadan magacyada magaalooyinka & garoomada ay tagayaan ee dalka.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay u qortay shirkadaha Fly Dunida iyo Ethiopian Airlines waxaa ay si rasmi ah uga dalbatay in ay si deg deg wax uga qabtaan xadgudubyada halista ku ah qarannimada Soomaaliya, waxaana ay fartay in ay ku daraan Soomaaliya magacyada magalooyinka iyo garoomada ay tagayaan.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in iyadoo tixraacaysa waraaqihii ay horey ugu dirtay shirkadahan ay ugu dambeyn 24-ka bishan Agoosto 2024 shirkada Fly Dubai ku saxdo in magaalooyinka ay tagayaan iyo garoomada lagu xuso Soomaaliya, iyadoo sidoo kale shrikadda Ethiopian Airlines loo qabtay ugu dambeyn 23-ka bishan August in sidaasi oo kale ay ku saxdo qaladaadaas.
Arrintan ayaa haddii aan tusaale kooban ka bixino waxay tahay in marka aad gasho website-ka shirkadahan ay ka muuqanayaan garoomada Soomaaliya magaca oo kaliya tusaale waxaa ku qoran Muqdisho oo loo soo gaabiyay MGQ halka Addis Ababa oo loo soo gaabiyay ADD ay raacsan tahay Itoobiya.
HBN ONLINE TV

