Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax loo soo adeegsaday gawaari oo ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho,halka mid ka mid ah lagu soo waramayo in lagu weeraray xarun ay lahaayeen ciidamada dowladda.
Ilo wareedyo aan xog ka helnay ayaa inoo xaqiijiyey in qaraxa koowaad oo ka dhacay Koontaroolka K-13 ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay ku geeriyoodeen shan qof, halka ay tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ilaha aan xogta ka helnay ayaa inoo sheegeen in lagu weeraray fariisin ciidamadu ku lahayeen duleedka Muqdisho, balse ciidamada ay fashiliyeen gaarigaasi oo nuuciisu ahaa layli calaawi.
Dhanka kale gaari kale oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaaa hortagay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, lamana soo warin wax khasaara ah oo ka dhashay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta ay duleedka Muqdisho ay ciidamda dowaldda kaga hortageen oo ay ku qaraxiyeen laba gaari oo waxyaaabaha qarxa lagu raray oo la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo, sida uu aan ka soo xiganay wasiirka ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo fariintan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee faceebook.
“Ciidamada geesiyaasha ee Qaranka ayaa saaka duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo Gaari oo Khawaarijtu ay doonaysay in ay Shacabka ku layso, duco iyo Bogaadin ayay mudanyihiin halyeeyada fashiliyay Cadawgaas, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Alcadaala.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadaan, loo soo adeegsaday gawaarida, gaariga, balse waxaa badi masuuliyada qaraxyada noocaan ooo kale ah sheegta kooxda Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

