Muuse Biixi oo ku hoyday jiidda hore ee dagaalka & SSC Khaatumo u digtay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay tagay deegaanka Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fariisin u ahayd ciidamada Somaliland tan iyo 25-kii Bishii August ee 2023-kii, ka dib markii laga soo saaray Laascaanood.

Muuse Biixi iyo wafdi la socday oo maalmihii u dambeeyey safar ku marayey Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa xalay u hoyday degmada Caynaba oo 22-KM u jirta Oog oo fadhiisin u ah ciidamada Somaliland.

Safarkan Madaxweyne Biixi, oo galay maalintii sagaalaad, ayaa lagu sheegay ujeeddadiisa inay la xiriirto “u diyaargarowga doorashooyinka iyo u kuur gellida xaaladda deegaannada Bariga” iyadoo doorashooyinka Somaliland ay ka harsan yihiin wax ka yar saddex bilood, isla markaana uu socdo olole balaaran.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo murashax u ah xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa la filayaa inuu ka qayb noqdo doorashada 13 November 2024-ka dhacaysa.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa toddobaadkan ku eedeeyay Muuse Biixi inuu wado abaabul dagaal, waxaana ay uga digeen inuu isku dayo weerar uu ku soo qaado deegaanada ay ka taliyaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed