Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaara ah waxaa uu maanta magaalada Nairobi kula qaatay Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Richard H. Riley iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay Safiirka.
Daqiiqado kooban oo ay wadahadlayeen dhinacyada ayaa waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga, maalgashiga, dhaqaalaha, dowlad dhiska, iyo qodobo kale, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ee maamulka Puntland.
Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, waxaana ay la kulmeen mas’uuliyiinta la socotay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ee fadhiga gaarka ah la qaatay Madaxweynaha Puntland.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa ku guda jira la kulanka madaxda Sare Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, isaga kala hadlay xoojinta Amniga, Iskaashiga & la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
HBN ONLINE TV

