Dagaal beeleed dhimasho sababay oo ka dhacay Galgaduud

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed markale ka soo cusboonaaday deegaanada Xiindheere iyo qaayib ee gobolka Galgaguud, kaasi oo ay dhasheen khasaare dhimasho iyo dhawaac ah.

Dagaalka oo u dhaxeeyo dad deeganka ah oo wada dega Xiindheere iyo Qaayib ayaa la soo warinaya ay isku adeegsadeen hubka culus ee gaadiidka lagu rakibo, sida aan ka soo xiganeyno dad goobjoog ah.

Waxaa ku dhintay in la xaqiijiyey 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale. Dadka dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah marxuun magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Carab oo dhawaan labo wiil oo la dhalatay ay dileen maleeshiyaad ka yimid Xiindheere.

Dilkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo anooyin qabiil, kaasi oo maalmahaan ka taagnaa deeganada Qaayib iyo Xiindheere ee gobolka Galmuduud.

12-kii bishaan Agoosto waxaa dagaal ka dhacay lagu dilay laba ruux, ka dib weerar gaadmada ahaa oo ay soo qaadeen Maleeshiyaad hubeysannaa ugu dambeyne ka baxsaday.

Horaantii bishii hore Luulyo, maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa Ciidamo geeyey deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley oo si goosgoos ah uga socotay bilihii la soo dhaafay dagaal galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed