Golaha wakiillada Somaliland oo maanta soo saaray war saxaafadeed seddex bog ka koobannaa ayaa sheegay in shaqaalada Somaliland laga reebay ka qaybgalka siyaasadda iyo in taageero u muujiyaan xisbiyada Siyaasadda.
Guddiga golaha wakiilada ayaa diray fariin guud ahaan shaqaalaha Somaliland, taasi oo faraysa in ay ka reebban tahay in ka qayb galaan siyaasadda isla markaana ku milmaan Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda.
Sida oo kale qof kasta oo shaqaale ah ayaa la sheegay in haddii ay ku caddaato in uu ka qayb galay siyaasadda uu lumin doono xaquuqdiisa shaqaalanimada, sida hadalka ay u dhigeen.
Guddiga ayaa sheegay in siyaasadda xaq uga leeyihiin oo kaliya codeynta doorashada, iyaga oo aan dhinacayada siyaasadda ku milmin, isla markaana aan ka qayb qaadan siyaasadda.
Hay’adaha kale ee Somaliland ayaa la faray in ay ku koobnaadaan mas’uullyaddooda ku faah faahsan Qodobka sharcigu siiyay, haddii ay ka fal kasta oo ka baxsan awooddooda ku dhaqaaqaanna uu ka dhalan doono la xisaabtan.
Sida oo kale Guddida ayaa sheegay in hay’addaha Somaliland aysan si gaar ah u beegsan karin shaqaalaha taageera siyaasadda Xisbiyada mucaradka ah iyo ururrada siyaasadda, isla markaana si toos ah gacanta ugu fuliyaan nidaamka Anshax-marinta Shaqaalaha ee lagu faahfaahiyay Xeerka Shaqaalaha Somaliland, taasi oo ay ka dhalanayso ku xad-gudub Xeer.
Guddiga ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Somaliland in ay ka gaabiyeen doorkooda la xariiray dhexdhexadnimada shaqada, halka dhinaca kale ay cadaadis gaar ah ku hayaan isla markaana si gaar ah u bar tilmaameedsadaan shaqaalaha aan taageerin siyaasadda Xisbiga talada haya ee Kulmiye, taasi oo ay ku sheegeen in ay muujinayso in ku kaceen fal liddi ku ah Xeerka Shaqaalaha.
HBN ONLINE TV

