Howlgal la iskugu furay wadooyin mudhiim ah oo Ciidamada dowladdu ka fuliyeen Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ay howlgal qorshaysan ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo qaybo ka mid ah gacanta ku hayeen Kooxda Alshabaab, sida aan kasoo xiganay laamaha amniga.

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Militariga, iyo Booliiska ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal la isugu furayay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Doolow iyo Luuq ka sameeyay, halkaasi ay sida hadalka u dhigeen lagu bur-buriyay fariisimo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen.

Ciidamada ayaa intaasi ku daray in Alshabaab wadada xiriirisa degmooyinka Doolow iyo Luuq ay ku dhibaatayn jireen qeybaha kala duwan ee bulshada isticmaala wadadaasi, balse maanta la furay.

Warka yaa lagu yiri ” Waxaa howlgal lagu baacsanayo islamarkaana lagu bur-burinayo barihii ay bulshada ku baadi jireen laga sameeyay Doolow iyo Luuq inta u dhaxeysa”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed