Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 10 ruux oo ku eedeysanaa in ay dilal horay uga geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka mudug, gaar ahaan dhanka ay maamulka Punland ay maamusho.
Ragga saaka la toogtay ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland, waxaana toogasho wadareedkooda ka dhacay mid kamid ah goobaha ay ugu talagashay in uu ku fuliyo, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin katirsan Maxkamadda Ciidamada, Maamulka Gobolka Mudug & xubno kale.
Xubanaha saaka la toogtay waxaa ka mid ah Barkhad Cawil Xirsi oo 10-kii bishaan isaga oo baxsad ahaa la soo qabtay, kaasi oo ku jiray afar rag oo Bishan 5-teedii xali habeen ahaa xabsiga gaalkacyo ka baxsaday.
Xabsiyada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ku xiran dad u badan Dhallinyaro, kuwaas oo ku eedeysan in ay horay dilal uga geysteen degmooyin kala duwan, waxaana horay sidan oo kale loogu xukumay toogashada rag kale.
Saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka Dowlad Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in ragga ay toogteen horay xubno muhiim u ah Bulshada sida Aqoonyahanno, Ganacsato, Saraakiil, Odoyaal dhaqameed & kuwo kale ay ku dileen gudaha magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Hay’daha amaanka mamaulka Puntland ayaa qabtay saaka xubin ka mid aha 4 nin dil sugayaal ahaa oo ka baxsaday xabsiga magaalada Gaalkacyo 5-tii bishaan, waxaana soo qabashadooda kaalin ka qaatay xog ay u soo gudbiyeen dad shacab ah.
Dhanka kale saraakiisha ka socotay maxkamadda ayaa faray Hay’adaha amniga in ay meesha ay ku arkaan ku toogtaan 3 xubnood oo baxsad ah, kuwaa oo ay ku amartay ciidamda Puntland in ay u fasaxanyihiin dilkooda raggaasi oo xukunkooda la mid yahay kuwa maanta dilka lagu oofiyey.
HBN ONLINE TV

