Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Nebiyu Tedla ayaa sheegay in Addis ababa ay sii wadi doonto xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in sida ugu macquulsan ku hesho bad, hadalkan ayuu ka sheegay mar uu maanta warbaahinta la hadlayay.
Nebiyu Tedla ayaa sida oo kale ka hadlay wada hadahadaladii u dambeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhexmaray Ankara, isaga oo adkeeyey tallaabada uu qaaday Turkigu iyo qabanqaabada wadahadallada in wejigii saddexaad.
Wareega 3-aad oo wadahadal ah ayaa loo balansan yahay bisha September 17-keeda, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.
Dadka Falanqeeyayaasha gobolka ah ayaa sheegaya in Itoobiya u isticmaalayso is-afagaradkii ay la saxiixatay Somaliland mid gorgortan ay dawlada Soomaaliya ku riixayso in y ugu ogaalato doonista bad ay si buuxda u isticmaasho, halka dhowr jeer Abiy Axmed uu ku dooday in lagama maarmaan tahay in Itoobiya ay Bad hesho.
Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka soo horjeesatay in wax lagu dhameeyo xeer jajab, ayna ku adkeysanayo qawaanniinta caalamiga ah in lagu saleeyo heshiis kasta oo la galayo.
HBN ONLINE TV

