Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu dhaqan galay qaaditaanka canshuurta iibka tooska ah

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in uu dhaqan galay qaadista Canshuurta iibka tooska ah oo dhawaan ay ku dhawaaq Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqday casriyeynta hannaanka qaadista canshuurta gadidda (Sales tax), oo ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada, waxaana uu dhaqan gali doonaa maalinta axadda inagu soo aadan.
Wasaaradda

ayaa ku wargelisay dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaab ku gadanayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay u go’do canshuur ahaan.

Canshuurtan waxaa ay sheegtay wasaaraddu in ay ahayd mid ganacsatu dowladda u qaadi doonan, ka dibna ugu shubayaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda, sida ay hadalka loo dhigay.

Lacagtaan ayaa si toos u saameyn doonta nidaamyadda badeecooyinka iyo adeegyadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts), taasi oo ka dhaceysa kala iibsi kasto oo ay sameynayaan ganacsiyadda iyo macaamiishoodu, ugu dambeyne toos ugu dhaci doonta Khasnadda Dhexe ee Dowladda.

Dowladda ayaa ku andacootay in dhaqalaahaan laga qaado shacabka ay u horseeday in ay wada daboosho mushaharaadka kala gedisan ee dowladdu siiso Shaqaalaheeda, Askarta, Dhaqaatirta isbitaaladda dowladda iyo shaqaalaha kale.

Toban doollar haddii aad wax ku iibsato waxaa kaa go’i doonta nus doollar (0.5) iyada oo ay xusid mudan tahay badi dalka in dadku wax ku kala gataan lacagta danabeysan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed