Ilhaan Cumar oo guul muhiim ka gaartay golaha deegaanka ee Mareykanka

Ilhan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka.

Ilhan oo doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ka tirsan xisbiga Dimoqraadi ah, iyada taageerayaasheeda kula hadashay Minneapolis ayaa ka dhawaajiyay qaar ka mid ah mawduucyada musharaxa xisbiga Dimuqraadiga “Waxaan maamulnaa siyaasadda farxadda,” ayay tiri.

waxaa ay inyaasi ku dartay “waxaan ognahay in ay farxad u tahay in aad u dagaalanto deriskaaga. Waxaan ognahay inay farxad u tahay in la hubiyo in guriyeynta ay tahay xuquuq bani’aadamnimo.”

Waxaa Ihaan heshay 56.2 boqolkiiba, marka la barbar dhigo ninka la tartamayey oo 42.9 boqolkiiba helay, sida uu sheegay xoghayaha dawladda ee Minnesota.

Samuels oo dhaleeceeyay Ilhaan ayaa sheegay in hal dhinac ay u janjeerto oo kala qaybinayso bulshooyinka, isaga oo sheegay in uu “aad uga niyad jabay” guul darada soo gaartay. Wuxuu kale oo uu carrabka ku adkeeyay arrimaha amniga guud ee Minneapolis halkaas oo sarkaal hore oo booliis ah uu ku dilay George Floyd sanadkii 2020.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed