Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu garwadeenka ka yahay Tukriga, haddii xal laga gaari waayo ay iyadu ku guuleysa karo sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladdaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti ahna Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuuf ayaa su’aal geliyey suurtagalnimada in uu Turkigu ku guulaysan karo dhex dhexaadinta uu ka dhex wado dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in uu jiro xal qarsoodi ah oo ay Jabuuti ku xallinayso xiisadda labadan dal oo ka wada tirsan ururka IGAD oo ay hadda Jabuuti guddoomiye ka tahay.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka gaabsaday in uu si faah faahsan uga jawaabo waxa uu noqon karo xalkan ay Jabuuti ku dhammayn karto khilaafka Muqdisho iyo Addis ababa.
Wadahadladii lagu dhex dhexaadinayey Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socday dalka Turkiga ayaa ku soo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaana lagu balamay bisha soo socota ee Septembar la iskugu yimaado.
HBN ONLINE TV

