Militeriga Soomaaliya oo sheegay in ay xubno ka tirsan AS ku dileen gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada xoogga, gaar ahaan Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaannada Yeed iyo Xaliimo Caddey oo hoos yimaada degmada Badhaadhe.

Saraakiisha ciidamada Xoogga oo faah faahin ka bixiyay dagaalka ayaa sheegay in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 30, isla markaasna ay jiraan dhaawacyo.

Sidoo kale, saraakiisha waxaa ay sheegeen in ay sidoo kale qabteen saddex xubnood oo kamid ah AS ku sugnaa goobta. Ma jiro ilaa hadda warar madax bannaan oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarka ay ciidamada qaadeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed