Howlgal ka dhacay Galgaduud oo lagu dilay xubno Alshabaab ah

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa sheegay in howlgal dhacday Mesegewaa iyo baraag Sheikh Caamir ee bariga galgaduud ay ku dileen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalkaan oo ka dhacay deegaanka Garsaala Geel-weyne oo u dhaxeeyay magaaloyinka Mesegewaa iyo baraag Sheikh Caamir ayaa Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ku dishay 2 xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab, waxaana intaas ay ku dartay in la gubay Booyad biyaha u qaadi jirtay.

Xogta Gaariga iyo Xubnahan saarnaa ayaa waxaa si hoose ula socday CXD sida ay tabisay Idaacada afka ciidanka ku hadasha.

Howgalada labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa ay ahaayeen kuwa aan si xowli ah ku socan, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay wado dadaalkii ugu dambeyey  ee ay kula wareegi laheyd deegaanada ay ka taliyaan kooxda Alshabaab ee dhaca Koofurta iyo Bartama Dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed