Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dab ka kacay suuqa Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab Khasaare hantiyadeed sababay oo ka kacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada ay socdaan dadaal lagu daminayo Dabkaas si uusan ugu gudbin goobaha kale ee ku dhow Dhismaha gubanaya.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku bas beelay dabka seddex Cagaf iyo boqol loor oo sisin ah, sida ay sheegtay haweeney ka mid ah dadka khasaaraha ka soo gaaray dabkan saacadaha badan qaatay ee ka kacay magaalada Jowhar.
Si dhab ah looma ogaan waxa uu ka dhashay Dabkan, keliya waxaa hadda socda dedaalka lagu daminayo si looga hortago khasaare ka badan kan uu hadda sababay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo magaalada Jowhar ku sugan.

Dad u badan Ganacsatada Suuqa iyo kuwa degan agagaarka Suuqaas ayaa sameeyay isku day ay ku daminayaan Dabka, waxaana ay adeegsanayaan Biyo iyo Carro si ay baqtiijiyaan dabka oo si xowli ah uga fidaya goobahaha ka dhow halka uu qasaaraha ka gaysatay.

Weli lama soo warin wax gurmad ah oo uga yimid qaybta dab damiska ee maamulka Hirshabeelle oo magalaadu u tahay xarunta ugu weyn ee ay ku shaqeeyaan hay’addahooda kala duwan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed