Turkiga oo shaaciyay sida xal loogu heli karo khilaafka Soomaaliya & Itoobiya

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadka soo socda si ay uga wadahadlaan ismaandhaafka ku saabsan is afgaradkii Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland sannadkan horaantiisii, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Wasiirka arimaha dibedda Turkiga ayaa sheegay in markale dib ay u ambaqaadayaan wadahadalka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si xal loogu helo khilaafka.

Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka wadaa wada hadallada u dhexeeya dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika dhaca, kuwaas oo xiriirkoodu uu xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan, markaas Somalaland ogolaatay in 20km oo xeeb ah laga kireeyo Itoobiya si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda, tilaabadaasi oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed & qarannimada Soomaaliya, isla markaana Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi kartaa in Itoobiya ay fursad u hesho in ay adeegsato badda iyada u soo mareysa Soomaaliya, waxayse ku xiran tahay haddii Itoobiya aqoonsato ilaalinta midnnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo madaxbannaanida siyaasadeed” ayuu yiri Hakan Fidan oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Istanbul.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu qabsoomayo Wadahalkaan, waxa uu markaan heystaa macluumaad ka badan kan uu hayay kulankii hore ee gaargaarka ah uu la qaatay Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya & Itoobiya.

Heshiisku waxa uu Itoobiya u ogolaanayaa in 50 sano ay kiraysato saldhig ciidan xeebaha gobolka Awdal.

Bishii Abriil, Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka cayrisay safiirkii Itoobiya, waxay kaloo amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

Itoobiya waa mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, laakiin dhaqaalaheeda waxaa xaddiday marin la’aanta baddeed, ka dib markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya 1993-kii, halkaasi ay ku wayday Dekadihii iyo badda cas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed