Daadad xooggan oo sababy in kumanaan qof ku barakacaan Dowlad deegaanka

Roobab  xad dhaaf ah oo ka da’ay deegaano dhowr ah dowlad deegaanka Soomaalida ah iyo fatahaadda webiga Shabeelle uu sameeyey ayaa waxaa ka dhashay barakaca kumanaan qof, iyada oo burbur hantiyeed oo aad u badan uu u geystay,sida ay sheegayaan wararka laga helayo xafiiska isgaarsiinta dowlad deegaanka Soomaalida.

Roobabka oo ka da’ay deegaanno ka mid ah Qalaafe, Mustaxiil & Feerfeer ayaa sababay daadad keenay in dad fara badan ay ka barakacaan guryahoodii oo roobabku burburiyeen.

Daadadka ayaa sidoo kale cagta mariyay dhul beereed ka badan 6 kun oo hektar. 15,00 oo qof ayaa u baahan gurmad deg deg ah, waxaa sidoo kale burburay goobihii waxbarashada, sida  ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee dadka barakacayaasha ah laguna taageerayo hannaanka soo kabashada sida masuuliyiin ka socda maamulka deegaanka ay tilmaameen.

Khubarada ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 12 deegaan oo ka tirsan labo degmo seddedda aan soo sheegnau ay saameyn ku yeesheen roobabku, iyadoo ay waxyeelo soo gaartay iskuullo, xarumo diimeed iyo dhul daaqsimeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed