Shirka golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya maanta ay ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu meelmariyey laba sharci oo kala ah kan doorashooyinka “qof iyo cod” iyo midka xisbiyada oo la sheegay dalka uu u guurayo.
Kulanka todobaadlaha ee golaha wasiiradda oo uu maanta shir guddoomiyey Ra’iisaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in labadan sharci ee la meel mariyey uu mudnaan gaara u lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana la tilmaamay in ay hagi doonaan hanaanka doorashooyinka dalka uu yeelan doono.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyey war saxaafadeedka golaha wasiiradda ka soo baxay ayaa sheegay in sharciyadan la ansixiyay ay dalka ay ka gudbin doonaan “hanaankii hore ee doorashooyinkii dadbanaa, haatanna loo guurayo doorashooyinka dimuqraadiga ah”, sida hadalka uu u dhigay.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tilaabadan ay noqon doonto mid sida hadalka loo dhigay talada shacabka dib loogu celinayo, iydoo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed siinaya xaquuq uu codkiisa ku dhiibto, isla markaana looga bixi doono hannaankii doorashada dad badan.
Ansixintan labada xeer ayaa waxay u baahan tahay in Baarlamaanka uu ansixiyo ka dibna uu saxiixo Madaxweynaha.
Dawladii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isku day sidan oo kale ah sameysay laakiin markii dambe ayaa waxaa looga laabtay khilaaf ka dhex curtay madaxda siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Dawladda Dhexe & Maamul Goboleedyada.
Dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa su’aalo ka qaba sida 19-ka bilood oo ka dhiman muddo xileedka hay’addaha Dawlada loogu qaban karo doorasho qof iyo cod iyadoo loo baahan yahay diiwangalinta dadweynaha, diiwaan galinta xisbiyada iyo heshiis guud oo siyaasadeed ayna u sii dheer tahay Al Shabaab oo ka taliya deegaano ka mid ah dalka.
HBN ONLINE TV