Wasaaradda waaxbarashada XFS oo soo saartay go’aamo kala duwan oo ku aadan dib u eegista hanaanka waxrasbarashada dalka ayaa awaamiir kala duwan dul dhigtay Jaamacadaha dalka laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024,iyada oo sheegtay in aan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.
Amarka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu sheegay in wixii ka horeeyey sannad dugsiyeedkii 2023-2024 la tasdiiqinayo shahaadada saddexda sanno ah, ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka.
Warka wasaaradda ayaa lagu yiri “Dhammaan jaamacadaha dalka waxaa la farayaa in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno”.
Sidoo kale warka soo baxay wasaaradda Waxbarshada Soomaliya ayaa la sii raaciyey, “iyada oo laga duulayo go’aankii Wasaaradda ee soo baxay bishii Agoosto, 2023, kaasoo lagu soo kordhiyay sannadka aasaasiga ah ee jaamacadda, ay Wasaaraddu u aqoonsanayso in heerka koowaad ee jaamacadda uu yahay ugu yaraan 5 sanno”.
HBN ONLINE TV