Shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku shaaciyeen in ay u qoondeeyeen nus malyuun dollar daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay ka dhacay xeebta Liido.
Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada yeesheen ayey ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarka dadka badan ku dhinteen ee jimcihii aan soo dhaafnay ka dhacday Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Da’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo R/wasaare Xamsa Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay DFS ay kaalinteeda ka qaadato sida ay tilmaameen gurmadka socda.
Ugu dambeyn xukuumadda ayaa u tacsiyadeeyay ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Xeebta Liido, iyada oo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay.
Weerarkii jimcihii ka dhacay xeebta Liido ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 ruux, halka dhaawac ay ku noqdeen in ka badan 64 kale.
HBN ONLINE TV

