Wasiirrada maaliyda Dawlada Federaalka & kuwa Maamul Goboleedyada oo muqdisho kaga shiraya mideynta canshuuraha

Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirrada maaliyadda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho, waxaana diirada lagu saari doonaa hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya, Biixi iImaan Cige oo maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkan looga tashan doono mideynta cashuuraha iyo hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka ee qeybsiga kheyraadka.

Shirkaan waxa ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland, inkasta oo dowladdu sheegtay in lagu casuumay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 13-kii Bishii hore ee Luulyo soo jeedisay 5 boqolkiiba Canshuurta wax kala iibsiga Danabeysan (Elektarooniga) oo laga qaadi doono dadka Soomaaliyeed, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, inkasta oo diidmo adag kala kulantay shacabka iyo dad arimaha dhaqaalaha odorosa oo su’aalo ka keenay.

HBM ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed